|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Askarta Dowalada KMG Soomaaliya oo taageero ka helya kuwa Itoobiya ayaa saka waxa ay howlgalo baaritaano ah ka fuliyeen deegaano ay marto wadad warshadaha.
Ciidamadaan oo ahaa kuwii dhawaan lagu soo tababaray wadanka Itoobiya oo ay la socdaan Ciidamo Itoobiya ayaa subaxnimadii hore ee saaka isku fidayay qaybo ka mida wadada warshadaha gaar ahaan inta u dhaxaysa isgooyska kulyadii hore Jaale Siyaad iyo kan Ex Contorol afgooye waxaana Ciidamada Dowladda halkasi ay ka sameeyeen howl galo baaritaano ah.
Ciidamada ayaa waxaa ay halkaasi ku baarayeen gaadiidka dad rakaab waxana ay darawalada BLka ay ku amrayeen in ay gaariga celiyaan islamarkaana waxa ay baaritaano kula dhaqaaqayeen dadka rakaabka ee saran gaadidka,waxaana ay askartu dadka u sheegayeen in ay baarayaan hub waxaana ay muhiimada koobaad saarayen gaadidka ka taga Suuqa wayn ee Bakaraha ee ku sii jeeda deegaanada loo bara kacay ee Xoosh iyo Ceelasha biyaha Sidoo kale Ciidamada Dowladda waxa ay baarayeen dadka ku lugaynaya wadada marta jaale siyaad.
Mid ka mida darawalada gaadiidkii saaka la baaray ayaa waxa uu sheegay in markii ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca suuqa wayn ee Bakaaraha ay Ciidamada si hal hala u baareen rakaabkii saarnaa garigiisa, islamarkaana soo noqoodkoodi ay sii daayeen.
Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay shegayaan in Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ay wateen dhalinyaro saarnayd gaari B-L ah, kuwaasi oo aan la'aqoon halka ay ula dhaqaaqeen iyo cadada ay gaarayaan,waxaana inta badan wada ay baareen saakay ciidamada Dowladda ayaa waxaa marar badan dadka rayidka lagula dhaqaaqaa baaritaano kuwaasi oo ay u gaysanayaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.
|